1:
 
Inan qaab dhismeed keed
Qaadirkeen hablaha kale
Qaar dhaafsiiyay weeyo
Miyirka qaadanaysee

Alla miyay qorshaysnayd
Inaan qalanjo loo boogay
Indhuhu ay qabtaanoo
Xilli hore wax laga qoray.
 
Chorus.
 
Waxaa iga qiraala ah
Qiimiheeda hadalkiyo
Saansaanka quruxdeed
Qudhi aan jaleecaa
Lay qaaday laabtaba.
 
2:
 
Qawlka aan idhaahdaba
Qof fahmay u eegtoo
Qosolkeeda wacan baa
Maan qaboojinaayee
 
Alla miyaan u qayshaa
Inaan qool u galay bahal
Hadaanay ii qareen noqon
Qudha igaba jari kara.
 
Chorus:
 
Waxaa iga qirraala ah
Qiimiheeda hadalkiyo
Saansaanka quruxdeed
Qudhi aan jaleecaa
Lay qaaday laabtaba.
 
®ADirie
03/14/13
 
Advertisements