Midkii diir naxaaye,
Damqayaan waxyeelladu
Dugsi dhaxanta celiyow
Daljirkeenna noolow
Maantay ku doonteee
Bal kacoo wax daba qabo.

Diif iyo xanuun iyo
Cudurro daashanaayey
Ka soo diqiqimaysaaye
Dib intaanay ugu noqon
Dawadeedii keeno
Bal kacoo wax dabo qabo.

Kii dibedda jira iyo
Ka dalkeenii joogee
Daacadda ka talinow
Adigay ku dalabtoo
Maandeeqdii dihinayd
Daryeel bay sugaysaa.

Waxaan darajadeedii
Dunidu ay ogaydee
Dawladduhu yaqaaneen
Dib ugu keeni karaynaa
Afkoo hadalka daayiyo
Adimadoo wax laga dayo.

Isku duubnideenuu
Dalkeennee u kulul yahay,
Dacalladda aan qabanoo
Danbi gale dagaal wada
Saxar duulayiyo ciid
Diqsigu yaanu taabanin.

ADirie

04/07/13

Advertisements