Maansadani waxay u qoran tahay sidii qaab sheeko. Akhrinteedana sidii sheekada ayaa loogu hagaagayaa!

Barihore waxaa jiray
Inan baaluqoo koray,

Bidhaantiisu waa taam
Garashana way u buuxdaa,

Isagoo dharaar baxay
OO xawli badan galay
Orod beegsanaayuu
Mar uun dhinaca bidix dayay,

Inan wabiga baashii
Soconaysa baaroo
Bilicdeeda lagu daray
Cadceed soo baxayso
Bixinaysa saymoo
Biyuhuna celinayaan,

Ayaa aragga baadoo
Miyirkana badhbaa xadan,

Isagoo baraad luu
Bariidiyo salaan diray,

Iyana may ka boodine
Badhaadhaa jiray tidhi,

Marba baal intuu dayay
Baadh-baadh kor iyo hoos,

Baxsanay ruux miyaad tahay
Mise bahalo shaydaan?

Bishmahay caday soo
Tidhi bahalo shaydaan!

Qosol baa laysu kala baxay!

Barashadeenu wacanaa
Balan may dhiganoo
Barito sidaad u aragtaa!

Baxsanow hagaag tidhi!

Balaayaa haleeshoo
Habeen kii badh muu ladin,

Markii waagu soo baxay
Yuu bartii is dhigay shalay.

Markuu yara bidhaamiyay
Wadnahaa buglayn galay!

“Bismilaahi shaafiin
Bismilaahi caafiin”
Ayuu yidhi mar uun bile.

Booqashiyo salaan daaa!

Naftu laba boglayn iyo
Boholyow ma joogtoo
Marba baal u duushoo
Baabaco ku socotee

Inantii buukaankiyo
Igu beertay kaarkaay
II bari illaahoo
Adna baano ii noqo.

Ayuu yidhi mar uun Bile!

Inta ay is barbarisoo
Gadaal uga baxday tidhi

“Bismilaahi caafiin
Bishmilaahi shaafin
War qof yahow bukaanka ah
Bal bartaada naga joog.”

“Waxaa dunida ruux badan
Midka adiga kuu ba’an
Sanka lagama baydhshoo
Afka looma buuree

Boogta i damqanaysiyo
Adaa beeray kaarkee
II bari illaahoo
Adna baano ii noqo.

Ayuu yidhi hadana Bile!

“Ruuxaanad wali baran
Nafta kugala baydhee
Bog kaaga raraysaa
Inay kaa baxdaa roon!”

Wali may ka bixin hadal,

“Adoon boodin ii fahan
Jacalkaa il bidhiqsiga
Bidhaan kaliya lagu helay
Een laga baraan dagin
Uma bogo dhankaygoo
Siduu u bilowduu
Hadhowtana u baxayaa”

Hadal madaxa buuxshay
Baxsan inantu igu tidhi
Yuu cabaar isula baxay!

Wuxu yidhi “barwaaqada
Eebe bixiyo weeyoo
Adigoon u baal dayin
Barashiyo aqoon kale
Bidhaan kaliyu kugu filan!”

Hadalkii muu ka bixin wali!

“Adoon iga boodin fahan
Ruuxaan boogaagiyo
Maankaagu baal marin
Ee kugu baxee dega
Beerkiyo wadnaha bidix

Inaad barato magacii
Ama buulka uu galo
Iyo inuu mid baariya
Balan iyo axdina gala
Diinta aan baal marin
Yahay ruux u bisil nolol

Boogtii ku qabatee
Wadnaha kaaga bilatay
Buun buunisaayoo
Nalka ay u bixisaa!

Inantii buukaankiyo
Igu beertay kaarkaay
II bari illaahoo
Adna baano ii noqo.”

Iyadoo aan buuq furin
Ayaa bilan waxay tidhi

“Sidii umul fooli boobtay
Barinna doonaysa oo
Ilowday wixii la baday
Jacayl wuu kaa ba’aa
Boogtiisuna way ku dayn!

Adoon iga boodin fahan
Waxaa jira labo bogoo
Iyagu isu baahanoo
Jacayl u bilaamayoo

Bishaaro  aroos dhigtoo
Bulshadu u cayaarto oo
Markay dhawr bilood galaan
Hadana baa ba’ sha waxay
Intaa badan soo wadeen!

Bogsood Allan ku baryee
Boggaagana dhaymo roon”

Waa looga baxayoo
Isagoo bidayaaa
Dhulka looga baydhee
Aakhiro ma banaantay?

Wixii yidhi mar uun Bile!

“Waxan u baaqayaa
Naftii jacayl bishee
Baxnaaninaysa ee

Beertiisa hadeer fashee

Inuu basanbaas yahoo
Boodh iyo siigo cas lahoo
Ba’aa uu isaga yahay
Markhaati ayaan u bixin!

Inuu maankaa bedelo
Badwayntaa kugu daroo
Biyaha ku dhex geeyo oo
Hadana kaaga soo baxana
Markhaati anaa u bixin!

Naftuu biimo ka gashaa
Adoo baaleelayoo
Baal iyo jaho aan lahayn
Ayay naftu kaa baxdaa”

Markuu dhawr bari maqnaa
Ayay Beeshii tabeen
Wixii baadigoob la diray
Hungaa baraddii ka yimi!

Adan

Advertisements