Waxaan ahaa qof kali
Qoortiyo afartaydii waax
Dad baa iga qaybsadoo
Qoloba meel bay degtee.
 
Waxaan ani qayliyoo
Korkaa aan u qaw lamoo
Madaxa aan u qayshadaba
Qaar baa maanta layga kacay.
 
Ineel qiiraa jirtoo
Dadkay qiimuu lahaayoo
Qorshaan wax ku meel martaynee
Labaan quwaday xoreeyay.
 
Walaalaha kala qo-qoban
Ayaa qiimiyo midnimo
Iyagu qoon deeyayoo
Haddana qalinkii ku dhigay.
 
Xubnaha qaarkii ku hadhay
Intaa badan kala qadnaa
Midbaa qasihii ka baxay
Labana quusbaan ka ahay.
 
Dantay dii oo qabyo ah
Ayaan dabin qoolan iyo
Waxaan qowlalada u galay
Abeeso qaaraarsan fahan.
 
Kuwii ii qaboobay aan
Ku soo qaadan lahaa sadkay
Waxaa galay cudur qadhaadh
Qabiil baa wareemay fahan.
 
Intaa badan anoo qubnaa
Qudhaa aan joogo manta
Qareen kay ma uusan dhalan
Dadkay wuu is qolo-qolayni.
 
Neeftaa iga qiiq lahoo
Naftay waa qoomamoo
Jidhkaygu ma qaadmayoo
Anoo qaawan baan dhul aal.
 
Allahayow qaadirow
Qayrkay ani wuu iga rooray
Qoomkaygii kala irdhow
Aduun baa wax qaban kara.
 
(c) AD
June 26, 2013
Advertisements