1. Waxa aan u balan balay
  2. Bayhoofka igu riday
  3. Boholyowga inan aan
  4. Barqo subax badhaadhed
  5. Bidhaantedu arigiyo
  6. Ay baaday laabtee.
  1. Quruxdii bilaydiyo
  2. Boqrantaa jeclaa
  3. Anigoon ka bogan bay
  4. Ballan la’aan dhaqaaqdo
  5. Bartii aan degnaa iyo
  6. Ka saqaaftay balladkii.

  1. Xagu bahal xaguna bohol
  2. Xagee baan u baydhaa
  3. Baadidoon ka raadshaa
  4. Bartii ay ku dhalatiyo
  5. Buuhoodle wayniyo
  6. Inaan buur ku meeriyo
  7. Marba bogox istaagee
  8. Baydhaba ma aadaa?
  1. Waa bilan naftaydanu
  2. La’aanteed bes tahayoo
  3. Laabtiyo bogayguna
  4. Ma bogsoon karaayaan.
  1. Baxsantaan jeclaa
  2. Haddii ay baxdoo
  3. Ay baqooshay Hodan
  4. Miyaan baafiyaa?
  5. Ma bes baan dhahaa?
  6. Miyaan baal rogtaa?
  7. Been miyaan u sheega
  8. Naftan I biimisee
  9. Samadaa bidday?
Advertisements