Tallaabada aan qaadiyo
Hadalkaygu tabo roon
Intaanan toos u wada dhihin
Tallo waxaan ku eegaa
Waxa taagan wixii tegey
Taxadaray wixii iman.

Balse tala aduunyooy
Tiiiraanyaday daay
Bogga layga taabto
Ayaamahan waxba i tolay
Tafaraaruq bay helay
Hadalkii taxnaan jiray
Turxaan bixin lahaan jirin
Talaqdhoon ayuu galay.

Toolmoon ayaamuhu
Tirsigoodu dhaadheer
Toban jeerna saacii
Qalbigaygu tahanow
Waxaa galay tashuusho
Marba tiigsay jaho kale
“Miyay igu tashanaysaa?
Mise wayga tookhiba?
Tolow maxay is leedahay?”

Hadaan taar u diri karo
Taxa oo waraaq karo
Tiraab aan u warin karo
Ama tixo u qori karo
Waxaan tebin laha hees:

“Tiigsadaye waxaad tahay
Middaan ani ku taamee
Taawinaayo noloshay.

Haddaad tayda noqotana
Jacayl sii tarmaayoo
Farxad lagu talaalaa
Tiftaafyada wadnaha iyo
Ku tisqaadi laabtay.

Tiir dhexaadka noloshaay
Aqal taaba galay iyo
Reer baan kugu tixgalin laa.

Inaad tawawac ciiliyo
Tacabli lakulantana
Waan kaaga tudhi laa.

ADirie
1/20/2014

—Wali waa qabyo.

Advertisements