Anoo dalxiisa, dalkeen dhexdiis,
Raaxiyo damaashaad, dockasta tegay,
Dirriryo hooray, cirkoo da’ay,
Danbarka geela, durduurtayoo,
Naq dayra dhawro, il doogsaday,
Sidaan u doonaan, kuu daydayaa!

Adaan daraadaa, middaan damcaay
U daalayaayoo, diihaalmayee

Dakharadaadiyo, doogtaadiibaa,
Daawayn u bahane, ii soo dadaal.

Anoo ka duulay, bartaan degnaa,
Xajkaa dakeeyoo, danbi dhaqay,
Ama dulmeeray, duni dhammaan,
Dadkeeda eego, bal soo darsa,
Ama dayaxa kore, mar soo daya,
Sidaan u doonaan, kuu daydayaa

Adaa i deeqaydadkoo idil,
Bogga ku duuloo, maanka degee,

Dakharadaadiyo, doogtaadiibaa,
Daawayn u bahane, ii soo dadaal.

AD
2/26/14

Advertisements