Tani inay horey u jirtay waa layga aqoon badan yahay balse baryahan iyo intaan arkayayba, Somali waxbaa laga sheegayay. Iyaguna haw badnaadeen cid wax ka sheegaysa Somaliye. Wax alaale wixii xun waxaan sabab uga dhignay Somali (jamac). Labo qof oo is fahmi waayay ayaad arkaysaa waxaadna dhahaysaa “Somali”, mid baa xilligii lagu balansanaaa saacad ka daba maraya, waxaan dhahaynaa “Somali” ama waa wakhtigii Somalida, iwm.
 
Haddaba waxaa inala gudboon, gaar ahaan dhalinyarada, inaan magaca ka ilaashanno in xumaha walaal looga dhigo. Dhibkaynu soo maray ee hadda inaga sii baxayaa waa mid aynu aduunka kala simannahay. Wakhtiguna marna wuu kula jiraa marna wuu kaa jiraa marka markuu innaga inaga yara janjeedhsaday waa inaynaan aqbalin in wax yaalaha xun xun, ee aynu adduunkaba kala simannahay, ay afduubaan magaceenna. Haddaynaan diidin astaamaha xun xun ee laynagu naanaysayo, buugta ayay inoo galayaan.
 
Somali waa kii YamYam ka sheekeeyey, maaha ka ciyaalka qarxinnaya iyo ka hantidda dadka boobaya toonna.
 
 
Galinba waa si maalmuhu,
Marbaad gacan saraynoo
Cadowgaa hog galayaa.
Gobanimo la helaybaad
Gogosheeda dhigaysaa.
Dheeho inta ka hartay qormadaan →
Advertisements

Marba waa si xilliyadu

Mar waa seef afwaynoo

Jidhka saafayso jari

Marna kuma saraayee

Rabi baa ku solansiin.


Dheeho inta ka hartay qormadaan →

  1. Ineel ruux haduu wax galo,
  2. Amaba uu gudo wanaag,
  3. Samaanno u gaara iyo,
  4. Ineel guul buu helaa.
  5. Middii aan ku gashadiyo
  6. Addon gudan wajibkaan
  7. U dhisnay gurigeena wacan
  8. Maxaad iiga guuraysaa?
  9. Dheeho inta ka hartay qormadaan →
Eheladii qalbigaay
Arxankii noloshaay
Araggii indhahaay
Waan kuu oomanahoo
Adigaan ku raabaa.
 
Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maansadan waxaan gaar’ahaan ku waaninayaa wiil ila dhashay oo raba inuu iskuulka joojiyo, guud ahaanna inta fursadda u haysa een aan ka faa’iidaysan wakhtigooda iyo waxbarasha hadday nasiib u heleen.

Dhamaan idilkood dadkoo dhan
Waxaa dhinac looga jeestay
tacliinta inaan la dhaamin. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Adeero Adeero aduunka
Dhibkiisa aloosan adeero
Allow uu ku seego adeero. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Jaqle markuu iskuulkii u soo dhamaaday ayuu soo baxay isagoo wali ka fekeraya inanta uu ka helay iyo wuxuu kala kulmi lahaa. Wuxuu dareemayaa inay baqdin ku sii badanayso markuu wakhtigii uu qabsaday inuu la hadlo gabadha soo dhawaadaba. Maalintaa Jaqle saaxiibadiisii uu horay u soo raaci jiray muu soo raacin ee wuu ka yara hadhay. Isagoo is boox booxaya oo kaligii ah ayuu wadadii ku soo dhacay. Markan Jaqle wuxuu naftiisa ku maaweelinayaa su’aalo ay ka midyihiin war ma waxan qof la odhan ayay ku dhahaysaa? Iyo Magaceeda oo kaliya yaad baranaysaa. Dheeho inta ka hartay qormadaan →