Archives for posts with tag: Dirie

Anoo dalxiisa, dalkeen dhexdiis,
Raaxiyo damaashaad, dockasta tegay,
Dirriryo hooray, cirkoo da’ay,
Danbarka geela, durduurtayoo,
Naq dayra dhawro, il doogsaday,
Sidaan u doonaan, kuu daydayaa!

Adaan daraadaa, middaan damcaay
U daalayaayoo, diihaalmayee Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Waxaan ahaa qof kali
Qoortiyo afartaydii waax
Dad baa iga qaybsadoo
Qoloba meel bay degtee.
  Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maansadani waxay u qoran tahay sidii qaab sheeko. Akhrinteedana sidii sheekada ayaa loogu hagaagayaa!

Barihore waxaa jiray
Inan baaluqoo koray,

Bidhaantiisu waa taam
Garashana way u buuxdaa,
Dheeho inta ka hartay qormadaan →

 1:
 
Inan qaab dhismeed keed
Qaadirkeen hablaha kale
Qaar dhaafsiiyay weeyo
Miyirka qaadanaysee

Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Marba waa si xilliyadu

Mar waa seef afwaynoo

Jidhka saafayso jari

Marna kuma saraayee

Rabi baa ku solansiin.


Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Adeero Adeero aduunka
Dhibkiisa aloosan adeero
Allow uu ku seego adeero. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Jaqle markuu iskuulkii u soo dhamaaday ayuu soo baxay isagoo wali ka fekeraya inanta uu ka helay iyo wuxuu kala kulmi lahaa. Wuxuu dareemayaa inay baqdin ku sii badanayso markuu wakhtigii uu qabsaday inuu la hadlo gabadha soo dhawaadaba. Maalintaa Jaqle saaxiibadiisii uu horay u soo raaci jiray muu soo raacin ee wuu ka yara hadhay. Isagoo is boox booxaya oo kaligii ah ayuu wadadii ku soo dhacay. Markan Jaqle wuxuu naftiisa ku maaweelinayaa su’aalo ay ka midyihiin war ma waxan qof la odhan ayay ku dhahaysaa? Iyo Magaceeda oo kaliya yaad baranaysaa. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Illa hadda waxyaabaha aan maskax dayda ka daadegin, dad kalena aan hubo inay ku taagan tahay waxaa weeye ninka Somaliga ah ee intuu bumbo isku soo xidho naftiisa ku waayaya si uu Somali kale u dilo. Waxaa ka sii daran nin ilmo yar oo iskuul da’aadii ah ku waayaya naftiisa si uu uga afqabto aduunka. Waliba waxaa ka sii daran, kan hibaysanaya ee ku faanaya dhawaacaa aan kasoo kabashadda lahayd ee uu dadkiisa u gaystay. Tollow muxuu dhihi  lahaa kii yidhi “Cimrigaagoo dheeraaday,  geel dhalayuu  ku tusaa”,  haddu tan u soo joogo. Maansaddan yari waxay kasocotaa ilmaha marna dagaalka lagu yahay marna loo isticmaalayo inta maskaxda laga bedesho.

Waxaan ahay awoodii
Intifaac sigii uuu
Calanku eeganaayoo
Arlada wadankayganna
Anigaa u kacayoo
Una soo koraayee
Hayga dhiganin aarmiyo
Aallad lagu dagaalamo.
  Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Qiyaas ahaan maansadani waxay katimi wiil yar oo da’diisu markaa ku beegan tahay 9 jir, kana fakeraya bal sidii uu mar uun dhibkan uga bixi lahaa. Wuxuu u waramayaa saaxiibkii oo uu gartay inuu u jeesto. Waxay maansadani ku timid anoo mar aan saa uga durugsanayn youtube ka dhagaystay maansooyiinkii siinlayda iyo  canug yar oo inkasta oo uu waalidkii ka maqlay, ugu cel celinaya walaalkiis oo bilo jira, “Waynu ka gudbaynaa dhibka” oo wakhtigaa farta laysugu fiiqay.

Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maalin maal maha ka mida ayaa waxaa dhacday, in wiil arday ah oo iskuul (school) u sii jarmaadsani, uu xaafad qol qolkeed ama dayrkeeda hore ku arkay inan markaa aad qurux deedu u cajab galisay. Wuxuu is waydiiyay waa maxay inantan anad horay meesha ugu arki jirine? Iyo war inantu qurux badnaydee oo uu isagu iskula sii shawrayay intii uu ku sii socday iskuulka. Dheeho inta ka hartay qormadaan →