Illa hadda waxyaabaha aan maskax dayda ka daadegin, dad kalena aan hubo inay ku taagan tahay waxaa weeye ninka Somaliga ah ee intuu bumbo isku soo xidho naftiisa ku waayaya si uu Somali kale u dilo. Waxaa ka sii daran nin ilmo yar oo iskuul da’aadii ah ku waayaya naftiisa si uu uga afqabto aduunka. Waliba waxaa ka sii daran, kan hibaysanaya ee ku faanaya dhawaacaa aan kasoo kabashadda lahayd ee uu dadkiisa u gaystay. Tollow muxuu dhihi  lahaa kii yidhi “Cimrigaagoo dheeraaday,  geel dhalayuu  ku tusaa”,  haddu tan u soo joogo. Maansaddan yari waxay kasocotaa ilmaha marna dagaalka lagu yahay marna loo isticmaalayo inta maskaxda laga bedesho.

Waxaan ahay awoodii
Intifaac sigii uuu
Calanku eeganaayoo
Arlada wadankayganna
Anigaa u kacayoo
Una soo koraayee
Hayga dhiganin aarmiyo
Aallad lagu dagaalamo.
  Dheeho inta ka hartay qormadaan →