Archives for posts with tag: Soomaali
Waxaan ahaa qof kali
Qoortiyo afartaydii waax
Dad baa iga qaybsadoo
Qoloba meel bay degtee.
  Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Maansadani waxay u qoran tahay sidii qaab sheeko. Akhrinteedana sidii sheekada ayaa loogu hagaagayaa!

Barihore waxaa jiray
Inan baaluqoo koray,

Bidhaantiisu waa taam
Garashana way u buuxdaa,
Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Adeero Adeero aduunka
Dhibkiisa aloosan adeero
Allow uu ku seego adeero. Dheeho inta ka hartay qormadaan →

Sidaan ka bartay macalinkayga Af-Soomaaliga. Hido waa dhaqanka soo jireenka ah ee aan is badalin haduu is badalona bulshadu is badalayso. Hidihu waa kaynu dhaxalay ee aan ka dhaqaxalay ka awow ka awow. Marka dhaqanku yahay kan is bed bedela ee wkhtiga ku xidhan sida markii timaha biidka ah lala baxijiray, ama hadda oo dhaqan laga dhigtay in suurwaal ka hoos loo dhigo. Dhaqankan is bad bedela wax baa laga raad racaa ama dad baa lagaga daydaa. Dhaqankaas waxaa laga yaabaa jiilkii markaa la yimid inuu la dhinto ama jiilkii oo wali nool dhaqan kale badalo amaba jiilku ka waynaado. Haduusan dhaqanku is badelin wuxuu noqdaa hido. Dheeho inta ka hartay qormadaan →